Wacaal daray ah: Dowladda Federaalka oo sheegtay in berri Ciid tahay

Wacaal daray ah: Dowladda Federaalka oo sheegtay in berri Ciid tahay

Dowladda Soomaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay Caawa Fiidkii qaadatay ee ahaa in aysan berri aheyn Ciid,islamarkaana tahay maalinta Koowaad Ciida ay tahay Berri.

Qaar ka mid ah Culimadda dowlada ka tirsan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda diinta ayaa ku dhawaqay in maalinta berri ah tahay Ciid.

Wasiirka Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay ka laabteen go’aankii ahaa in aysan berri aheyn Ciid, islamarkaana berri ay tahay Ciid.

Dowladda Soomaaliya ayaa jahwareer ku riday Bulshadda, waxaana dowladda ka hor ku dhawaaqay in ay Ciid tahay Al-Shabaab, Jubbaland, iyo dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Puntland wali ma aysan xaqiijin warka ku saabsna Ciidka,balse Wasaaradda Cadaalada Puntand ayaa laga war dhowraya xaqijinta Bisha shawaal.

Dhinaca Kale Jubbaland ayaa caawa sheegtay in bishi laga arkay degaano ka tirsan jubbaland sidaasna ay ku tahay berri Ciid.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com