Wacaal Darey ah: Baarlamaanka oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka

Wacaal Darey ah: Baarlamaanka oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka lahaayeen dood adag.

Ka dib markii maanta ay marsiiyeen Akhrintii Saddexaad ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu sheegay in loo baahan yahay in Cod loo qaado.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal, iyadoo ay u codeysay 171 Xildhibaan.

“Golaha Shacabka wuxuu gaaray guul taariikhi ah iyada oo aqlabiyad balaaran lagu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo dalka u horseedaya doorasho qof iyo cod ah iyada oo lagu tartamayo hanaan axsaabta siyaasadda badan (multiparty system)”Ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com