Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta madaxweynaha maamulkaasi u doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka mid ahaa 5 musharax oo utartamayay dorashadan.
147 xildhibaan ayaa codadkooda dhiibatay ,waxaana uu helay 101 cod.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa durbadiiba waxaa loo dhaariyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya .
Markii lagu dhawaaqay natiijadii uu helay ayaa waxa uu lahadlay Warbaahinta ,waxaana uu sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo taariiqi ah isagoo u mahadceliyay dhammaan xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed ee codkooda siiyay iyo kuwii aan ucodeenba .
Cabdicasiis Laftagareen ayaa u jan jeedha dhanka dowladda Soomaaliya .
COMMENTS