WACAAL DAREY AH: Dowlada oo sheegtay in Alshabaab ay dileen Ikraan Tahliil

WACAAL DAREY AH: Dowlada oo sheegtay in Alshabaab ay dileen Ikraan Tahliil

Warbaahinta Afka Dowladda Soomaaliyeed ku hadsha ayaa goordhow baahiyay in Ikraan Tahliil Faarax in ay dileen ururka Alshabaab.

Ikraan Tahliiil ayaa muddo shan sano ah waxa ay u shaqeyneysay Hay’ada nabad sugida qaranka waxaana la waayay 26kii June ee sanadkan.

“Markii ugu war dambeysay Ikraan waxa ay aaday taliyaha nabad sugida oo u yeeray kadibna warkeeda waa la waayay.”Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka;

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.

HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com