Ganacsade gobolka Bari oo lagu magacaabo Salaad Cabdi Cukaash ayaa caawo lagu dilay magaalada Boosaaso. Salaad waxa uu xisaabiye u ahaa shirkadda ganacsiga ee HORSEED, waxaana lagu dilay xaafadda Raf & Raaxo ee isla magaalada Boosaaso, gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay.
Ma jirto cid weli sheegatay ama loo qabtay dilka ganacsade Salaad Cabdi Cukaash.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS