Wacaal Darey ah: Khasaare ka dhashay weerar caawa lagu qaaday Saldhiga bartamaha Gaalkacyo

Wacaal Darey ah: Khasaare ka dhashay weerar caawa lagu qaaday Saldhiga bartamaha Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saldhigii bartamaha ee magaalada  caawa koox hubaysan ay weerar ku soo qaadeen.

Weerarkan oo ahaa Bambaano gacanta laga tuuray ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo katirsanaa ciidamadii xiligaasi kusugnaa saldhiga iyo ruux dumar ah.

Kooxdii weerka soo qaaday ayaa goobta kabaxsatay,waxaan soo gaaray saldhiga ciidamada amniga ee gobolka Mudug.

Amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii udambeeyay soo xumaanayay waxaana ka dhacay dilal qorshaysnaa oo loogystay mas’uuliyiin dowladda katirsan.

 

Al-shabaab ayaa sheegatay dilalkii horay uga dhacay magaalada.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com