Wacaal Darey ah: Labo Qarax oo ka dhacey Magaalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan

Wacaal Darey ah: Labo Qarax oo ka dhacey Magaalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiraan

Labo qarax oo aad u culus ayaa hadda ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa ii sheegay in uuradu qarisay xajmiga qaraxa awgii. Wararku waxay sheegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay xerada Lamagalaay wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin.

labo baabuur oo waaweyn ayaa Qaraxyo Ismiidaamin ah ka fuliyey Xerada Lama galaay ee Magaaladda Baladweyne.

Lama Galaay waa Xero Ciidan iyo Madaxtooyadda Hirshabeelle qeybteeda Baladweyne, inkastoo uusan ku sugneyn Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Koox naftood halligayaal ah ayaa Qaraxaas fuliyey, dhacdooyinkan oo kalena AS ayaa looga bartay iney ku beegsadaan goobaha Dowladda iyo Shacabka. Hadda lama oga qasaaraha inta uu gaarsiisan yahay maadaama weerarku hadda dhacay.

Qaraxan ayaa dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay waxaa la sheegay inay dhamaantoodba ahaayeen dad rayid ah. Mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ayaa dubraba bilaabay baaritaano inkastoo aanu jirin ilaa xiligan dad loo soo qabtay qaraxa

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com