Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aano culus.
Warka ay helayso Daljir ayaa sheegaya in madaxweyne Saciid Deni uu shalay ku wargeliyay dhammaan Golaha wasiirada ku amray dhamaantood inay soo galaan magaalada Boosaaso.
shirka ayaa waxa alooga hadli doonaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid tahay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.
Puntland ayaa qaadacay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee SPF, isla markaana horay swaxa uu Madaxweyne Saciid Deni u caddeeyay in aanay ka qeyb galidoonin shir ay Puntland wax talo ah ku laheyn.
Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa heerkii ugu sareysay, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka jiraan magaalada Muqdisho oo ay shirar ay ku leeyihiin Xisbiyada siyaasadda ee ay horboodayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya./
COMMENTS
Deni waaa nin culsi weey noolowww geesi