Wacaal Darey ah: Qaraxyo lagu aasay bartamaha magaalada Boosaaso oo la fashilay

Wacaal Darey ah: Qaraxyo lagu aasay bartamaha magaalada Boosaaso oo la fashilay

Ciidamada PSFta Puntland ee gobolka Bari ayaa maanta fashiliyay qaraxyo lagu aasay bartamaha laamiga Boosaaso.

qaraxa koowaad ayaa waxaa lagu aasay inta udhexaysa  shirkada isgaarsiinta ee Golis iyo waddada Gaaco ee bartamaha magaalada Boosaaso.

intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamada amniga xireen waddooyinka magaalada,waxaan hakad lagaliyay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada ayaa ku guulaystay in ay qaraxa meeshiisa ku qarxiyaan iyadoo aysan cidina waxba ku noqon.

Shacabka ayaa xalay ciidamada ku soo wargaliyay qaraxa lagu aasay waddada bartamaha Boosaaso.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa maanta aad uga cabsi qabay qaraxayanda lagu aasay magaalada iyo saamayntiisa.

hadii labadan qarax uu u fuli lahaa sidii ay Argagixisada ugu tala gashay oo ahayd in ay dadka shacabka ah ay ku dhibaateeyaan ayaa waxaa ka dhalan lahaa khasaare sababa dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha laamaha amniga ilaa iyo haatan kama aysan hadlin howlgalkan lagu fashilay qaraxyada lagu aasay magaalada iyo sida ay xogta ku heleen.

Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuralayda Galgala ee gobolka Bari ayaa intabadan sheegta dilalka iyo weerarada ka dhacay deegaanada Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorshaysnaa oo loo gaystay askar katirsan ciidamada amniga ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsaday isgoysyada Nedklo iyo Afar-idood.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 5 years ago

    WAR YAAN BEEN LAYDIIN SHEEGIN.
    PL,NISA,CIA,ALSHABAB,ISIS,UAE,SACUDI,ISI,SIS,MI6,MOSSAD,AMISOM,UNSOM,INTUBA WAY WADA SHAQAYSTAAN!!!.
    WAXA LOO DABAAL JOOGTAYNAYANA WAA SHACABKA MASAAKIINTA AH.
    SI AADANWAX U FAHMIN BAA MARARKA QAAR SIRDOONKU INTUU MIINO MEEL KU AASO BUU WARBAAHINTA USHEEGAA INUU KASAARAY MIINO KUWO KALE KU AASEEN MEESHAAN!!
    SHACABKUNA RUN BAY MOODAAN.MARARKA QAARNA WAYBA QARXIYAAN MARKAASAY CID KALE U EEDEEYAAN!! IYADOO UUN LOOGA JEEDO IN CIDAAS LAGU EEDEEYO!!,
    TUSAALE FUDUD:
    SAFAARADAA INTII AY SAFAARADOODA QARXIYAAN CID KALE U EEDEEYA!!!.WAA WAX KADHACAY DUNIDAN.SAFARADIHII U.S.A. EE TANZANIYA,KENYA KAGSA QUUSO.
    QAAR BAA DALALKOODA WEERARA OO CIDKALE KU EEDEEYA KAGA QUUSO 9/11.
    QAAR BAA IYAGU KOOXO KALE ISU SOO TILMAAMA OO U TILMAAMA BARTILMAAMEED KAGA QUUSO WEERARADII PARIS.FALSE FLAGE.
    MARKAA WAX WALBA OO DHACA HA RUMAYSAN HANA BEENIN LKN BAAR,BAARITAAN DHABB AH.
    OGOW DENI XAFIISKIISU WAXAA KA SHAQEEYA QAAR ISKU XIRA,XIRIIRIYA ISIS,ALSHABAB KOOXAHAAS & SHIRQOOLADA,AMA 
    DILALKA QORSHAYSAN.
    MAR HORAA ALSHABAB,ISIS LAGA TAQALUSI LAHAA HADIO AYSAN TAAGEERO KA HELAYN SIRDOONO CAALAMIYA SIDA:CIA,MI6,MOSSAD,ISI,SIS.& QAARKALOO BADAN.
    SOMALIYA WAA MASHRUUC.
    I HAVE NATURAL INTELLIGENCE…..

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com