Wacaal Darey ah: Safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Deni oo Boosaaso ku kulmay

Wacaal Darey ah: Safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Deni oo Boosaaso ku kulmay

Madaxweyne  Puntland  Siciid Cabdilaahi Deni iyo Safiirka Maraykanka ee Soomaliya Ambassador Yamamoto ayaa kulan 4 saac qaatay waxay ku yeesheen garoonka diyaaradaha ee Bosaso maanta.

Ammaanka garoonka  Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, ciidamo Maraykan ah oo wata qalab casri ah iyo Eyda lagu baaro walxaha qarxa ayaa yimid Garoonka 3 Saac ka hor kulanka labada Masuul.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xalay xili dambe ka soo baxay caasimadda Garoowe si uu ula kulmo Safiirka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com