Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa galaya gacanta argagixisada deegaano istaraatiji ah, ahna deegaano muhiim u ah ilaalinta ammaanka caasimadda iyo waliba isku xirka Xamar iyo Shabeelaha Dhexe.
Saacado kahor waxaa gacanta dawladda ka baxay deegaanka Wargaadhi, ahna taliska ugu weyn ee laga ilaaliyo ammaanka Shabeellaha Dhexe.
Wararkii ugu danbeeyey ee Daljir ka helayso deegaanka ayaa sheegaya in weli guluftu socoto, ciidanka dawladda iyo kuwa deegaankuna ay is urursanayaan, isuna diyaarinayaan dagaal rogaal-celis.
Su’aasha mar kale maanta la isweydiinayaa waa, maxaa Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Villa Somalia u qorshe ah?
> Daljir Media
COMMENTS