Warbaahinta madaxa banaan ee Puntland ayaa maanta waxaa loo diiday in ay galaan oo ay baahiyaan munaasibadii lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada ee Puntlnad.
Arintan ayaa waxa ay filan waa ku noqotay wariyayaasha ka howlgala magaalada Garoowe ee caasimada Puntlnad, mana cada ilaa iyo haatan sababta loogu diiday Saxaafada madaxa banaan in ay tabiyaan wararka dowladda .
Maalin ka hor ayay ahayd markii wariyayaasha Puntland loo diiday in ay toos u tabiyaan shaacinta Golihii Wasiirada ee uu madaxweyne Deni soo magacaabay .
Xukuumadii tan ka horaysay ee madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas wariyeyaasha ayaa si wada jir ah utabin jiray wararka dowladda, mana jirin wax takoor ah oo ay kala kulmi jireen shaqadooda .
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS
Waa arin ugub ku ah dawlad goboleedka puntland in saxaafada la caburiyo saxaafada puntland ___
Waana canbaaraynaynaa caburinta lagu hayo saxaafada puntland ___
Waxaana dawladda cusub ugu baaqaynaa inay ka digtoonaato caburinta saxaafada madaxa banaan___