Wacaal darey ah: Nabadoon Cabdiqani Baalle oo caawa Gaalkacyo lagu dilay

Wacaal darey ah: Nabadoon Cabdiqani Baalle oo caawa  Gaalkacyo lagu dilay

Allaha u naxariistee waxaa goor dhawayd magaalada Gaalkacyo lagu dilay Nabadoon Cabdiqani  Baalle oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ka ah ee gobolka Mudug. Nabadoonka ayaa waxaa toogtay kooxo baastoolado ku hubaysnaa  oo aan heebtooda la,aqoonin waxaan la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen.

lama oga ilaa iyo haatan sababta loo dilay Nabadoonka  balse mudooyinkii u dambeeyay ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa aad u wanaagsanaa mana jirin wax dilal iyo qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada tan iyo wixii ka dambeeyay markii la dhisay ciidamada iskudhafka ah ee labada dhinac.

Ciidamada amniga ayaa soo gaaray goobtii uu dilku ka dhacay waxaan socda baaritaan lagu ogaanayo kooxdii dilka fulisay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com