Wadooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Oo Xiran Iyo Faah Faahin Laga Helayo Sababta Loo Xiray

Wadooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Oo Xiran Iyo Faah Faahin Laga Helayo Sababta Loo Xiray

Waxaa saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo toosay ciidamada amaanka oo gawaarida ciidan ku jaray wadooyinka muhiimka ah, gaadiidkana ku amraya iney dib uga laabtaan.

Sida wararka la helayo ay tilmaamayaa , Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isbitaalka xooga, Sayidka ilaa Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4), Wadada 21 Oktoobar iyo jidka dheer ee Maka Al-Mukarama

Ciidamada wadooyinkan xirtay ayaa meelaha qaar xitaa diidaya isu socodka dadka, waxana shacabka lagu amrayaa iney dib u laabtaan, iyadoo dadka ay yihiin kuwo cagohooda maalaya, arrintan si gaara waxey u saameysay ardeyda iyo dadka u kalahayay goobohooda shaqo.

Si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xirnaanshaha wadooyinkan, waxaa la filayaa maanta in uu dalka dib ugu soo laabanayo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqaaho ku tagay dalka eretria oo ay ku sugan yihiin ciidamo loo tababaraye soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com