Wafdi kasocda Itoobiya iyo Eriteriya oo Muqdisho soo gaaray (sawiro)

Wafdi kasocda Itoobiya iyo Eriteriya oo Muqdisho soo gaaray (sawiro)

Wafdi kasocda dowladdaha Eriteriya iyo Itoobiya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu iyoWasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax.

Wasiirarada xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo dhoweeyey Muqdisho, waxaana wafdigan hordhac uu u yahay socdaal masuuliyiinta sare ee Itoobiya ay ku imaan doonaan Muqdisho.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona waddooyinka loo xiray booqashada wafuuddan.

Itoobiya iyo Eriteriya oo saamayn ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa dhowaan ka heshiiyay colaad u dhaxaysay muddo ka badan 21- sano oo ay dad ugu geeriyoodeen, waxaana colaaddoodu ay sababtay inay kala taageeraan dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasadda Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com