Gen Bashiir Goobe iyo wakiilka QM arrimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ujeedkooda ayaa lagu sheegay u kuur galka ciidamada isku dhafka ah ee ammaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug.
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Gaalkacyo ayaa xaaladeeda ammaanka uu ahaa mid soo hagaagayay, iyadoona tan iyo markii xilka madaxwayne ee dalka uu ku guulaystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isbadalo waawayn oo dhanka ammaanka ah la dareemay, ayna yaraadeen isku dhacyadii beelaha.
COMMENTS