Wafdiga Madaxweynaha ee shirka wadatashiga oo kulamo ku leh Muqdisho

Wafdiga Madaxweynaha ee shirka wadatashiga oo kulamo ku leh Muqdisho

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Sacdiid Cabdullaahi Deni ee u sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay bilaabeen kulamo wadatashi ah ka hor kulanka la filayo in uu dhex-maro Madaxweyne Farmaajo & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Puntland & Wafdiga la socda oo uu kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Cali Xeris Timacadde ayaa kulankooda waxaa ay uga hadleen qodobada ay la hortegi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo sida loo wajihi doono.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya in uu kulan Saddex geesood ah uga bilaawdo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com