Wajigi labaad ee Shirka Golaha Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho ka furmay

Wajigi labaad ee Shirka Golaha Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho ka furmay

Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid wajiga 2-aad shirka Musharraxiinta oo lagu soo bandhigay Warbixin ka hadleysa Xaaladda Waddanka iyo Maareynta Marxaladda Doorashada.

Shirka oo Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Sheekh Shariif guddoomiyey waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee Dalka iyo Raad-raaca go’aannadii lagu xusay War-Saxaafadeedkii Midowga uu ka soo saaray shirkii 6-da cesho uga socday magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa faahfaahiyay qodobada looga hadlay shirka Midowga Musharrixiinta Soomaaliya xalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in shirka uu kusoo booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, islamarkaana ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo doorka Galmudug.

Waxaa uu tilmaamay in Galmudug ay u sheegtay in ay diyaar u tahay xoojinta geedi socodka Soomaaliya,islamarkaana ay raadin doonto xal waara.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com