Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Sivuyile Bam oo Warbixin Walaaceeda leh u Gudbiyey Golaha Ammaanka, kana Deyriyey Xaalka Xamar

Wakiilka ayaa walaac ka muujiyey kororka weerarada ka imaanaya argagixisada AS asaga oo sheegay in ay hadda soo dageen duuleedka Muqdisho, saldhigna ka samaysteen deegaanka Axmed Xuun ee aagga Cali Mahdi iyo Xaafadda Basro. AS ayuu sheegay in ay la wareegtay saldhigyo iyo hub tirabeel ah, siiba hoobiyayaasha waaweyn. Xaalka magaalada ayuu ku sheegay mid ka sii daraya, qorshaha argagixisadana waxa uu ku sheegay mid hadda ah in ay deeganada kala wareegaan dawladda.

Dhanka maaliyadda ayuu wakiilku ku sheegay mid qarka loo saaranyahay in lagu kala tago oo hawlgalku burburo ayada oo 7 illaa 9 bilood aan qaar shaqaalaha mushaar la siin.

Horey Daljir ayaa u soo warisay in dhaqaale burburka ku yimid Yurub iyo Mareykanku uu keeni doono hawgalka Midowga Afrika oo maaliyad loo waayo, illaa iyo haddana dawladda Soomaaliya ma ay dajin qorshaha la qaadan doono haddii hawlgalku bixin waayo mushaaraadka ciidamada iyo kan shaqaalaha AUSSOM.

Cali Balcad, Wasiiru Dawladaha Arrimaha Dibadda Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa aad u dhibsaday hadalka Wakiilka, kuna tilmaamay mid baalmaray hormarka laga gaaray la dagaalanka argagixisada.

Xaalka adduunku waa isbadalay ee Soomaaliya diyaar ma u tahay isbaddal? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com