Walaaca in Mareykanku uu Iran ku duqeynayo hubka wax gumaada ee nukliyeerka oo sii kordhaya
Maanta waxaa Isra’iil ka degay diyaaradaha Mareykanka ee loo yaqaan B-2 Bombers ee qaada hubka nukliyeerka, ugana sii gudbay saldhigga Mareykanka ee Guam iyo kan Diego Garcia ee Badda Hindiya. Wararka warbaahinta qaar ay hadalhayaan ayaa sheegaya in diyaaraduhu Israa’iil ka xambaareen hubka nukliyeerka ugana sii gudbeen garoonka la saadaalinayo in ay ka duqeyn doonaan Iran ee Diego Garcia, kuna yaal Badda Hindiya.
Mareykanka ayaa wixii uu hub hayey, ha ahaadeen diyaarado iyo maraakiib isugu geeyey Badda Mediterranean-ka, Badda Cuman iyo Badda Hindiya. Mareykanku waa dawladda kaliya ee adduunka ee hore nukliyeer ugu duqeysay dal kale, duqeysana magaalooyinka Japan ee Hiroshima iyo Nagasaki. Xaaladaha daran ee jiritaan ee haysta Isra darteed, qaar falaanqeeyayaasha siyaasadda adduunka ayaa saadaalinaya in Mareykanka iyo Israa’iil ay qorshaynayaan in Iran dal ahaan iyo dad ahaanba sida ay hadda tahay aysan u sii jirin.
Mareykanka oo hore u ahaa quwadda adduunka ugu xooggan, dhaqaalihiisiina uu dhulka sii galayo, dhinacyo badan oo taknooliyadda iyo hubkana looga hormaray, ayaa waxaa soo foodsaaray laba khasaare oo kala daran oo meel uu uga laabtaa aysan jirin. Khasaaraha koowaad waa Ukraine oo sida uu qorsheeyey uu rabay in ay jabiso Ruuskh ayada oo NATO wixii hub iyo dhaqaale ay haysay gacanta u galisay Ukraine, si khayraadka Ruushko gacanta loogu dhigo, loona boobo. Ukraine waa ku jabtay dagaalkaas, sida muuqatana Mareykanku qorshaas wuxuu hadda u arkaa mid fashilmay.
Qorshaha labaad oo socday muddo sanooyin ah ayaa ahaa in Iran si gaadmo ah hawlgal qorshihiisu 10 sano socday hal mar lagu sii daayo, oo xataa ay ku jireen ciidamo ku diyaarsan gudaha Iran. Gunta hawgalka ayaa ahaa in maalin gudaheed lagu afgambiyo Iran, loona dhiibo xukuumad cusub oo Talabiib hoostagta. Hawlgalkaas waa fulay waxa uuna Iran gaarsiiyey khasaare daran oo isugu jira naf iyo maal, haba ugu badnaadeen saraakiishii iyo saynisyahanadii Iran. Hawlgalkaas oo markii hore la mooday in ay fuliyeen diyaaradaha Talabiib waxaa markii danbe la ogaaday in dhammaantiis laga fuliyey gudaha Iran, ayna fuliyeen sirdoonka Isra oo kaashaneysa kuwa reer Galbeedka.
Iran muddo ka yar 8 saac way ka soo kabatay hawgalkii Isra ugu magacdartay ‘Operation Rising Lion,” waxayna bilowday difaac iyo weerar illaa iyo hadda socda. Dagaalka Iran lagu qaaday ee bilowgiisu fashilmay waa khasaaraha labaad ee soo gaaray Mareykanka.
Qorshaha dagaalka Iran ma aha mid ku kooban Iran oo kaliya ee waa mid looga danlahaa in Ruushka iyo Shiinahaba lagu jabiyo, ayada oo Ruushka dhanka bartamaha Aasiya laga qabsado oo haddana isla dhankaas looga soo duulayo, lana joojinayo qorshaha hirgalay ee isku xirka Ruushka iyo Iran ee loo yaqaan ‘North-South Transport Corridor.”
Qorshaha labaad ee dagaalka Iran ayaa sidoo kale abbaaraya Shiinaha oo Mareykanku wuxuu rabaa in uu sidoo kale joojiyo qorshaha hirgalay ee isku xirka Shiinaha iyo Iran ee ‘Silk Road’ qaybna ka ah ‘Belt and Road Initiative (BRI).’ Sidaas darteed dagaalka Iran ma aha mid abbaaraya Iran oo kaliya ee waa dagaal toos ah oo ku socda Ruushka iyo Shiinaha.
Putin oo shalay ka hadlaya shirka SPIEF ee magaalada St. Petersburg waxa uu si cad u sheegay in uusan daawan doonin Iran oo la jabiyo, uuse hubo in Iran isku filantahay. Putin ayaa sidoo kale markii ugu horraysay daaha ka rogay in xukuumadda cusub ee Iran ay diiday in Ruushka iyo Iran iyo waliba xataa Shiinuhu wada galaan isbahaysi difaac oo mid haddii la weeraro ay lamid tahay kan kale oo la weeraray.
Shiinaha ayaa hadda si dadban dagaalka u soo galay asaga oo laba markab oo kuwa wax basaasa ah soo dhigay Gacanka Beershiya, si joogto ahna hadda diyaaradihiisu ay uga dagayaan Iran, loona malaynayo in ay wada wadaan hub casri ah. Mareykanka ayaan marnaba qarin in qorshihiisa soo socdaa yahay duulaan lagu qaado Shiinaha.
Haddii si kale loo dhigo dagaalka Iran waa hordhaca dagaalkii saddexaad ee adduunka ee wax kasta filo, uguna diyaargarow sidii dagaal kii ugu danbeeyey.
Daljir Media


COMMENTS