Qormadaan Barafasoor Cabdiwahaab waxa uu maamulada dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ku dhiirigalinayaa in xaaladaha khatarta ah ee dalku marayo dartood la taageero oo la garabistaago Madaxweyne Xasan Shiikh.
Waa tan qormada Barafasoorka:
Dhurwaagu Wuxuu Cunaa Neefkii Gooni Socod ah
Ramadan ayaa lagu jiraa, oo qaniinyo iyo wax ka sheeg ma haboona.
Laakiin, wax yar ayaa ka dhahayaa, xaalaada Somaaliya ee Shayaadiintii dhiiga Islaanka banaystay, ee hadda raba inay Soomaaliyoo dhan xalaashadaan, oy Muqdisho kula wareegaan propaganda , Allah ma dhihine.
Horta waxa dhacaya waa qiyaamadii oo yar, oo kooxda Villa Soomaliya, loo soo dajiyay.
Sadex sano ku dhawaad, ayuu Madaxeyene Xassan — sidii ayadoon bari jirin — uu safar, dano shaqsiyadeed iyo dano qabiil waqtigiisa ku beel dareeyay.
Sidaas darteed, waa dabiici in qiyaamo yar loo soo maleego
Qabiilkii uu madaxweynuhu danta guud u dhumiyay maanta garab uma ahan, oo intay reerkiisu qoryo soo qaateen ma difaacayaan. Lagama sugaayo .
Walaalihii Soomaliyeed — Deni, Qoor Qoor, Ahmed Madoobe iyo Lafta-gareen-na — isma hayaan, oo markii uu xilka qabtay ayuu cadaw u arkay, oo uu dagaal, muruq iyo maalba leh, ku qaaday, wallow uu ku fashilmay.
Sida xadiith-ka kor ku qoran ku tusinayo, maanta Madaxwynuhu waa kaligii, oo asagaa walaalihii horaan cadaw ka dhigtay.
Siyaasiyiintii reer Xamar-na isma hayaan, oo waxay ka dideen markuu dastuur iyo guddi doorasho kaligii samaystay.
Marka maanta in Madaxweyne Xasan garab la’aan ahaado waa wax la filayay. Kaaga darane, cadawgii Soomaaliya ragaadiyay markay arkeen garab la’aantiisa ayay seefaha u soo afaysteen.
Hada Madaxweynuhu waxa uu marayaa, xaaladii qiyaamada ee waxa kaliya lagu bad baadi ay ahayd qalbi fiican
يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم
Marka hadda, waxaa waajib ah in Madaxweynaha kaw garab loo noqdo, ayadoo lawada og soonyahay inuu wax badan khalday.
Waqti cadaw la isku eegto, lama joogo. Arintu caay, caay way dhaaftay.
Arintu Xassan ma joogto, ee masiirka Soomaaliya ayay mareysaa.
Gaar ahaan waxaan kula talin lahaa madaxda maamul goboleedyada, in aysan Madaxweynaha dhibta haysta ku fiirsan, balse ay garab u noqdaan. Sababtoo ah, wadanka cadaw haduu qabsado, ayaga xitaa meesha ma sii joogayaan.
Marka Deniyow, Qoor Qooraw, Ahmadow iyo Lafta-gareenaw, carada iyo xanaaqa aad Xassan u qabtaan, iska liqa, walaalkiin Xasan talo xumo umbaa meeshan maanta dhigtay, ee ha u qabanina, oo garab u noqda, oo af iyo ciidan waxaad ku tari kartaan ku soo tara dagaalka Shayaadiinta lagula jiro.
Walaalayaal walaalkiin garab u noqda.
Madaxweyne Xassana, waxaan leehay, Xassanow is waanso, oo ogaw garab waxa kuu ah, in ay tahay Soomali wayn. Sheekada raqiiska ah, ee qabiilka ee qayrkaa kaa reebtayna ka waantow. Cimri ayaad ku jirtaa, xili aad ku mashquusho wax Ummada faa iido u ahayn ma joogtid. Tolkaa Soomaali waa laan dheere, ayagaana kugu filan. Ayagaa kaaga dhaw wadamada aad u qaylo dhaansanaysid.
Maanta Shayaadiintu haday Xamar kaa eryaan, aakhiro iyo aduunba magac xumo ayaa kuu taala. Marka Madaxweynow is waanso, oo is waanso.
Oo faraska khayaaliga ah eed saaran tahay ka soo dag, oo garab ka dhigo walaalahaa Soomaaliweyn, ha ahaadaan siyaasiyiinta Xamar joogta ama madaxda maamul goboleedyada.
Madaxweyne, ogsoonawna waxa ay Soomali iyo ajaaniba kaaga baqi, kuguna ixtiraami inay tahay inta aad garabsanaysid walaalahaa Soomaaliyeed.
Sida xadiiska kor ku qoran uu sheegayo, ha noqon, neefkii, gees geeska u socoday, ee dhurwaagu banaanka ka helay, ee uun cunay.
Telefoonka la soo bax, oo walaalahaa wac, oo ku dheh, war nimanyahaw wixii inoo dhexeeyay, waa laga soo hoos marey, ee kaalaya aan wadanka wada bad baadsano. Waxaad iga tirsanayseen iska halmaama maanta, maanta maalin walaalo is xiniinyo taabtaan lama joogee.
Dhibka socda kuwii ka badbaada, ee ku wanaano qaata, Soomali Allah ha ka dhigo.
DHAMMAAD
> Daljir Media
COMMENTS