War saxaafadeed hadda ka soo baxay Villa Somalia oo SSC-KHAATUMO aan maamul goboleed iyo maamulo toona loo aqoonsan

War saxaafadeed hadda ka soo baxay Villa Somalia oo SSC-KHAATUMO aan maamul goboleed iyo maamulo toona loo aqoonsan

War saxaafadeed ku qoran afka Ingiriiska oo hadda ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu furay shirkii Wadatashiga Qaran, laakiin waxaa xiisa gooni ah lahaa sida loo xusay ka-soo-qaybgalayaasha shirka.

Qaybta danbe ee war saxaafadeedka oo lagu xusayo ka-soo-qaybgalayaasha shirka ayaa lagu yiri, “Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo SSC-Khatumo ayaa ka doodi doona mudnaanta qaran ee muhiimka ah, oo ay kamidtahay xoojinta dadaalada dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada caalamiga ah ee ku soo duushay Soomaaliya.”

War saxaafadeedku sida kor ku cad iyo waliba lifaaqa waxa uu xusay maamul goboleedyo iyo maamulka Banaadir, laakiin SSC-KHAATUMO laguma sheegin waxa ay tahay, aan ka ahayn magaca maamulka.

Maxay adiga kula tahay? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com