WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN CAMBAAREYNTA WEERARKII ARGAGIXISANIMO EE SHAQAALAHA HIDA

WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN CAMBAAREYNTA WEERARKII ARGAGIXISANIMO EE SHAQAALAHA HIDA

Gudoomiyaha Shabakadda ururadda aan dowliga ahayn ee samafalka (PUNTNGO) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii fulaynimada ahaa ee lagu bartilmaameedsaday Mudane Maxamuud Cali Nuur oo ah Madaxa fulinta Hay’adda HIDA (Horn of Africa Integrated Development Activities) kaasoo qarax miino oo nooca meelaha fog laga haggo ah lagula beegsaday tuuladda Timirshe, Gobolka Bari, ee Soomaaliya.

Shabakadda NGO-yada Puntland waxay si aan gabasho lahayn u diiday dhammaan noocyada colaadaha iyo xagjirnimada, kuwaas oo aan meelna ku lahayn bulshadeenna. Waxaan la garab taagannahay HIDA iyo dhammaan hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya horumarinta nolosha bulshooyinka nugul.

Shabakadda NGO-yada Puntland waxay aaminsan tahay in weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha samafalka iyo dadka rayidka ah aan la aqbali karin, kana soo horjeeda mabaadi’da aasaasiga ah ee aadanaha. Waa lagama maarmaan in dhammaan dhinacyada ay ixtiraamaan xeerarka dagaalka iyo in la hubiyo in shaqaalaha bini’aadantinimada la ilaaliyo inta ay gudanayaan shaqadooda muhiimka ah.

Waxaan ka codsaneynaa maamulka in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan, isla markaana sharciga la horkeeno ciddii ka dambeysay. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ka shaqeeyaan abuuritaanka jawi horumariya nabadda, xasilloonida, iyo xuquuqda aadanaha oo dhan.

Shabakadda NGO-yada Puntland waxay weli ku hawlan tahay horumarinta nabadda, xasilloonida iyo xuquuqul insaanka ee deegaankeenna, waxaanan sii wadi doonnaa inaan si hagar la’aan ah uga shaqayno taageeridda bulshada nugul ee ay saameeyeen colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Mahadsanidin

Sharmarke Ali
Guddoomiyaha Ururka
Puntland NGO Network (PUNTNGO)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com