Kolonyo gaadiidka Madaxweyne Xasan Shiikh oo barqadii maanta marayey Ceelgaabta ayaa lala beegtay qarax aad u xooggan, waxa uuna qaraxu haleelay gaarigii ugu horreeyey ee saddex gaari oo kuwa aan xabbaddu karin ah. Madaxweynaha ayaa saarnaa gaariga saddexaad, kuna socday safar Hirshabelle iyo dhiirigalin ciidamada dagaalka adag kula jira al-Shabaab.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in 7 ilaalada Madaxweyne Xasan Shiikh ay qaraxa ku dhinteen, waxaa kale oo jira khasaare soo gaaray dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa.
Radio Risaala oo war kooban iyo muuqaalka gaadiidkii la qarxiyey baahisay ayaa hadda hawada laga saaray, waxaana jira warar hordhac oo sheegaya in wariyayaal Risaala xabsiga loo taxaabay.
Mar dhow la soco faahfaahinta tabinta sababtay in Radio Risaala albaabada la isugu dhufto, wariyayaalna laga xiro.
> Daljir Media
COMMENTS