Warar laga helayo duqayn kadhacday degmada Jilib

Warar laga helayo duqayn kadhacday degmada Jilib

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqayn diyaaradeed oo maalinimadii Talaadada ee lasoo dhaafay kadhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada Hoose, taasi oo lagu beegsaday xubno katirsan Al-shabaab,

Saraakiil dhinaca hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA-da duqaynta in lala bartilmaameedsaday Bashiir Qoorgaab oo katirsan madaxda dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya Bashiir Qoorgaab inuu ku dhaawacmay, iyadoona xogahan ay sheegayaan darawalkiisa inuu ku geeriyooday duqayntan.

Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin, waxaana duqayntan fuliyay ciidamo Soomaali iyo Mareykanka ka kooban.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com