Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ayaa ku wajahan magaalada Cadaado oo hadda xarun u ah garabka Madaxweyne Xaaf.
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya ayaa horay ugu sugnaa magaalada Cadaado, waxayna kulamo la qaateen Madaxweynaha Gamudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.
lama oga ilaa iyo hadda wada hadalada dhexmaray madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaanada iyo waxa ay isla meel dhigeen.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Dhuusamareeb waxa uu kulama gooni-gooni ah xalay uu kula qaatay odayaasha dhaqanka ee degmada waxayna isla meel dhigeen dhismaha Galmudug oo lagu midaysanyahay in xal waara laga gaaro khilaafka taagan.
Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya oo maalmihii dambe ku sugnaa Dhuusamareeb.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS