Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan

Waxaa weli dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya ciidan dowladda uu ka socdaa deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo billoowday abaara 06:00 Aroor-nimo ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab ay weerarka Qaraxyo ku biloowday ku qaadeen fariisinka ciidaanka deegaanka ku la yaaheen Yasooman waxaana xigay dagaal fool-ka fool ah.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya ay kala heleen gurmadyo kala duwan taas oo keentay in dagaalka uu xoogeysto, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac dagaalka kasoo gaaray.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa dagaalka Yasooman ka socda guulo waaweyn ka sheegtay , halka Al-Shabaab dhankooda ay iyana sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalkii ka dhacay degaanka Yasooman.

Weli majirto dad madax bannaan oo ka hadlay dagaalka, waxaana dadka degaanka qaarkood ay sheegayaan inay weli maqlayaan dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com