Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dib ugala wareegay dagaalyahanada Tigreega magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee istiraatiijiga ah.
Xoogag taabacsan ururka Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinka, ee gobolka Axmaarada, wax ka badan bil ka hor.
“Magaalada taariikhiga ah ee Dessie iyo magaalada Kombolcha ee ganacsiga iyo warshadaha, waxaa la wareegay ciidamada ammaanka ee wadajirka ah,”ayaa lagu sheegay adeegga isgaarsiinta dowladda.
Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaan ka hadlin sheegashada ugu dambeysay ee dowlada Itoobiya.
Arbacadii, ayay dawladdu ku dhawaaqday in ciidamada taabacsan Abiy ay dib u qabsadeen xarunta UNESCO ee Dhaxalka Adduunka ee Lalibela, taas oo bishii Ogosto gacanta u gashay dagaalyahannada Tigrayga.
COMMENTS