Wararkii ugu dambeeyay ee Hargaisa iyo ciidamada oo lawareegay Xarunta Xisbiga Waddani

Wararkii ugu dambeeyay ee Hargaisa iyo ciidamada oo lawareegay  Xarunta Xisbiga Waddani

Ciidamada amniga ee maamulka Soomaaliland ayaa saaka la wareegay xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargaisa.

Ciidamada ayaa isku gadaameen Xarunta Xisbiga, isla markaana waxaa la xiray dhamaan Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu falkan lagula wareegay xarunta xisbigiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Xalay ayay ahayd markii ay ciidamada booliska Soomaaliland ay Hargaisa kuxireen Afhayeenkii Xisbiga Waddani Khadar Xuseen iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun.

Dadka falanqeeya siyaasada maamulka Soomaaliland ayaa arintan ku tilmaamay mid baal marsan shrciga iyo dastuurka udagsan maamulka Hargaisa ee uu Muuse Biixii kutumanayo.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com