Wararkii ugu dambeeyay ee shirkii Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay ee shirkii Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Shirka Wadatashiga Qaran ee ka furmay Sabtidii aynu ka soo gudubnay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisii afaraad iyadoo ay jirto rajo ah inuu shirka heshiis lagu gaaro.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa haatan si hoose u galay qodobada muhiimka ah ee qabsoomidda doorashooyinka Dalka.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Kulankan oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiinta, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo weliba beesha caalamka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com