Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Bangeelle iyo xiljilab (Akhriso)

Wararkii ugu dambeeyay  ee xaalada deegaanadii shalay lagu dagaalamay ee Bangeelle iyo xiljilab  (Akhriso)

Waxaa saaka degan xaalada deegaanada Bangeelle iyo xiljilab oo shalay ay  ku dagaalameen  shalay Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa saaka ku baxay deegaanadii shalay lagu dagaalamay si Maleeshiyaadkii dagaalamay loo kala qaado.

Dhinaca kale waxaa  iyana saaka deegaanadii lagu dagaalamaya u ambabaxay  Taliyaha guutada 13-aad ee qaybta 21-aad Col. C/raxmaan Macalin Maxamuud Timadheere iyo Gaashaanle Sare Axmed Baaraaf oo hogaaminayay Ciidamada qalabka sida qeybta 21-aad ee DFS.

Inta la hubo 10 qof ayaa ku dhimatay, in ka badan 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaakii shalay ka dhacay   tuulada Bangeelle oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya dekanooyin qabiil iyo kala sheegasho xagga daaqa iyo deegaanka ah, waxayna ahayd bishii hore markii sidaan oo kale halkaasi dagaal uga dhacay, hase ahaatee waanwaano nabadeed oo la sameeyey ayaa xaalada loogu qaboojiyey, inkasta oo ay hadda soo cusboonaatay.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com