Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madasha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madasha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Waxaa Maalintii labaad galay Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse & Madaxweynayaasha 5-ta dowlad Goboleed.

Shirka oo shalay ka furmay Madaxtooyada ayaa Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho ka maqan uu uga qeyb galayaa Aalada (ZOOMKA), waxaana siweyn looga hadlay arrimo ay kamid yihiin, Amniga dalka & dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda iyo xal u helida Abaarta.

Maanta ayaa markale Madaxda ka wada hadli doonaan arrimaha Amniga & Abaaraha, waxaana wararka qaar aan heleyno ay sheegayaan in Madaxda ay ka wada hadlayaan khilaafka arrimaha Maaliyadda maadaama shirkii Wasiirada Maaliyadda ee ka dhacay Muqdisho uu fashil ku dhamaaday.

Maanta ayaa qorshuhu yahay in shirka la soo geba-gabeeyo, in kastoo waqti dheeraad ah ay Madaxdu ku darsan karaan, waxaana la filayaa inay kasoo saaraan Warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay Shirka uga hadleen iyo heshiiska ay gaareen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com