Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wali xaafaddaha magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taageersan Ahlusunna.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada dawladda ee kulaalayay magaalada ay damceen inay galaan xaafado ka tirsan Guriceel halkaas oo iska caabin ay kala kulmeen xooggaga Ahlu-Sunna ee horey gacanta ugu hayay Guriceel.

Labada dhinac ayaa wali ku dhex dagaalamaya magaalada iyadoona aysan jirin cid wali si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay gudaha u soo galeen magaalada ayna ka dagaallamayaan qeybo ka mid ah Xaafaddaha oo markii hore ay joogeen Ahlusunna.

Guriceel waxa horey uga qaxay kumannaan qof oo ka baqayay inuu magaalada ku qabsado dagaalka hadda ka bilowday, inkastoo xaafadaha qaar ay wali dad yar ay joogaan.

Mid kamid ah wariye yaasha ka howlga Guriceel ayaa Daljir u waramay.
Dhegayso.

Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com