Wararkii ugu dambeyeey ee jarmalka & daadad ku soo rogmaday

Wararkii ugu dambeyeey ee jarmalka & daadad ku soo rogmaday

Ugu yaraan 67 qof ayaa dhimatay ugu yaraan 70 kalena waa la la’yahay kadib markii roob mahiigaan ah iyo daadadkii ugu darnaa ee Yurub soo mara muddo sanado ah ay ku dhufteen wadamada Jarmalka iyo Belgiumka.

Dhibaatada ugu badan waxay ka dhacday galbeedka Jarmalka halkaas oo ugu yaraan 45 qof ay dhinteen, gobolka ugu dadka badan ee North Rhine-Westphalia iyo gobolka deriska la ah ee Rhineland-Palatinate.

Magaalada Schuld, koonfurta Bonn, ayay si xun u saameeyeen daadadka, ugu yaraan 18 ayaa kuu dhimatey magaalada Schuld iyo weliba magaalada u dhow ee Ahrweiler iyada oo tobanaan ruuxna la la’yahay markii webiga Ahr uu jabsaday albaabadada kadibna uu xaaqay guryihii.

Shan iyo toban qof ayaa sidoo kale ku dhintay gobolka Euskirchen halka laba dab-damiye ay ku dhinteen deegaano kale intii lagu jiray dadaallada samatabbixinta.

Waxaa la geeyay 300 oo askari deegaanada ay daadadku saameeyeen si ay u caawiyaan kooxaha samatabixinta iyagoo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo doomaha la buufin karo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com