Wararkii ugu dambeyeey ee rabshadaha ka dhacay dalka konfur Africa

Wararkii ugu dambeyeey ee rabshadaha ka dhacay dalka konfur Africa

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in rabshadaha ka dhacay dalkaasi ay sababeen in dad ay Soomaali ah ay ku dhinteen.

Rabshadaha ayaa waxa ay ka dhasheen xabsi u taxaabidda madaxweynihi hore ee dalka Koofur Afrika Jacob Zuma.

Dhalinyaro Soomaali ah oo gaaraya illaa afar ayaa ka mid ah dadka ku dhintey rabshadaha inkastoo booliska Koofur Afrika ay sheegeen in lix ruux ay ku dhinteen rabshadahan.

Allaha u naxariistee Soomaalida ku geeriyootay rabshadaha ayaa waxaa dadka dhintay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mahad Ciise iyo Nuur Cali Sarjaan.Maxamuud Qoojo, Goosaar Ganeey.

Booliska waxay sheegeen ilaa iyo hadda iney qabqabteen dad ka badan 200 qof ugu yaraan 6 qofna ay rabshadahaasi ku dhinteen.

Milatariga Koonfur Afrika waxay sheegeen inay ciidamo geynayaan laba gobol, oo ay ku jirto xarunta dhaqaalaha ee Johannesburg, si ay booliiska uga caawiyaan la tacaalida bililiqaysiga iyo dabka la qabadsiiyo goobaha ganacsiga kadib xabsigii Madaxweynihii hore Jacob Zuma.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com