Wararkii ugu danbeeyey ee Awdal & Saylici oo Boon ka bilaabaya ciidan qoris horleh

Wararkii ugu danbeeyey ee Awdal & Saylici oo Boon ka bilaabaya ciidan qoris horleh

Wararkii ugu danbeeyey ee Daljir ka helayso gobolka Awdal ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Saylici oo maalin hore u ambabaxay Boorama uu maanta ka qaybgalay qalinjabinta Jaamacadda Cammuud. Saylici ayaa la filayaa in uu berrina tago magaalada Boon oo ayana xadhiga laga jarayo jaamacad horleh.

Warar Daljir ay hadda helayso ayaa tibaaxaya in inta Saylici joogo Boon uu gali doono qabanqaabada qorista dhallin horleh oo ku biirta ciidamada Somaliland oo 25kii bisha Agoosto si aad u daran loogu jabiyey dagaalkii Sool.

Safarka Saylici waxaa ku weheliya qayb salaadiinta gobolka oo ay kamidyihiin Suldaan Baade Waa (Jibriil Yoonis), Suldaan Saleeban (Reer Nuur), Suldaanka guud ee beelaha Xeebjiraha Suldaan Axmed Shiikh Muuse Godaad, iyo salaadiin kale oo reer Awdal ah. Suldaan walbana waxaa lagu qorey tiro askar ah oo uu ka soo qorayo jifadiisa.

Suldaan Godaad (Suldaanka Xeebjiraha) > Suldaan Abshir (Bahar Muuse) > Suldaan Baade (Reer Axmed Yoonis)

Sida aan ka soo xiganay ilo ka agdhow Saylici, awaamiirta la faray Saylici ayaa ahaa sida hoose:

  1. In reer walba oo Awdal bilaa shuruud laga soo qoro ciidan beeleed cusub oo mar labaad ka qaybqaata dagaalka Sool. Salaadiinta Awdal waxaa culays weyn ku haya Wasiirada reer Awdal ee Somaliland oo wasiir walba lagu qoray, lagulana xisaabtamo tiro ciidan oo uu reerkiisa ka keeno, haddii uu keeni waayana uu shaqadiisa ku waayi doono
  2. In ganacsatada gobolka Awdal bixiyaan lacago caawimo ah oo lagu taageerayo dib-u-dhiska ‘ciidanka qaranka Somaliland’, ganacsadihii bixin waaya qaybta lagu qorayna loo aqoonson doono in uu cadow ku yahay jiritaanka ‘qaranka Somaliland’
  3. In maalinta Isniinta oo bishu tahay 4 Siteenbar 2023, magaalada Boorama dadku isugu soo baxaan kheyriyadda Boorama halkaas oo Saylici laga rabo in uu Hargeysa u muujiyo in bulshada reer Awdal ay garabtaaganyihiin ciidanka Somaliland
  4. Saylici oo ay weheliyaan dhammaan warbaahinta Hargeysa ayaa la amray in uu ka soo hormuuqdo warbaahinta asaga oo sasabaya dad ku barooranaya sida tii Hargeysa oo kale in ‘ciidamada qaranka la garabistaago oo cadowga dalka ku soo duulay la iska difaaco’
  5. In dhammaan shaqaalaha dawladda maalinka Isniinta la fasaxo, lana amro in ay isusoobaxa Boorama safka hore ka galaan, qof walbana uu keeno ugu yaraan shan qof oo ehelkooda ah si kheyriyadda Boorama loo buuxiyo

Gobolka Awdal ayaa khasaare lixaad lihi ka soo gaaray dagaalkii Laascaanood, inta illaa hadda la xaqiiyeyna waxaa reer Awdal kaga dhintay 452 qof, waxaan maxaabiis ahaan loo hayaa 120, waxaa dhaawac ah 58 oo 3 kamid ah oo halis ku sugan loo gudbiyey isbitaalda Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro masuul dawladda Somaliland oo ka hadlay meel ay ku suganyihiin ciidamo Somaliland oo hore loogu qiyaasay tiro ahaan in 3,500 ay ku sugnaayeen jiidaha hore ee Laascaanood, siiba jiidda Maraaga, tan Goojacadde iyo tan boholaha Xargaga. Meydadka ciidamada Somaliland ayaa maalin kasta laga soo aruriyaa dhoodida Sool. Sidoo kale maalin kasta waxaa la soo qabtaa maxaabiis horleh oo dhuntay oo qaar ciidamada SSC helaan, qaarna dadka reer baadiyaha ahi soo qabqabtaan.

Masuuliyiinta gobolka Awdal ee qayb ka ah maamulka Somaliland, salaadiinta Awdal iyo ahlu diinka reer Awdal ayaan illaa iyo hadda weli ka hadlin khasaaraha soo gaaray gobolka.

Diiwaanka wararka | Daljir Media | Borama

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com