WARARKII UGU DANBEEYEY EE ITOOBIYA: Xaaladda Ciidanka Badda Itoobiya ee Faransiisku tababaray iyo 14 oday dhaqameed Oromo oo Abiye qafaashay oo weli la la’yahay

WARARKII UGU DANBEEYEY EE ITOOBIYA: Xaaladda Ciidanka Badda Itoobiya ee Faransiisku tababaray iyo 14 oday dhaqameed Oromo oo Abiye qafaashay oo weli la la’yahay

Wararka Daljir ka helayso Itoobiya, siiba siyaasiyiinta Oromada, ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 askari oo Itoobiyaan ah oo tababar ciidan u joogay dalka Faransiiska ay haatan magangelyo siyaasadeed weydiisteen Dowladda Faransiiska.

Daljir ayaa loo xaqiijiyey in Ciidanka Badda markii hore qayb lagu xushay haybtooda Oromo ahaan iyo qayb kale oo aaminsan Kaniisadda Barwaaqo (P’ent’ay Church). Ciidamada weli tababarku u socdo ayaa la sheegay in intooda badan ay dowladda Faransiiska weydiisteen magangelyo siyaasadeed.

Waxaa xusid mudan in Abiye uu ciidankii badda ee Faransiisku u tababaray uu badankiisii u leexiyey dagaalka ka socda Deegaanka Axmaarada, waxaana badankood lagu laayay ama lagu qabtay Gobolada Showa iyo Gojaam.

Siyaasiyiinta Itoobiyaanka ayaa hadda shacabka Itoobiya aan kala baqin in ay u sheegaan in maamulka Abiye iyo reerkiisu jilayaan riwaayado raqiis ah oo u jilayaan shucuubta Itoobiya, ayagoo ku maaweelinaya inay haystaan ciidan badeed iyo mid dhul oo ka shaqaynaya la wareegga ammaanka dhulka iyo badda Soomaaliya. Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa si bareer ah hadda shacabkooda ugu sheega in aysan jirin wax la dhaho ciidan bad oo Itoobiya leedahay, laakin qorshaha Abiye uu kaliya yahay in uu u dowladeeyo Soomaaliya.

Maamulka Abiye ayaan asna hadda qarsan in Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Shiikh Mohamud uu Abiye u ansixiyay dhammaan codsiyadiisii shirkii Ankara ee 11 Diseembar 2024 iyo kii Addis Ababa ee 11 Janaayo 2025.

Itoobiya oo gacan ka helaysa Imaaraadka ayaa haatan lagu eedeynayaa inay ka dambayso dagaalka Suudaan, waxaana hadda socda qorshe dhanka deegaanka Canfarta oo lagu abaabulayo guluf colaadeed oo ku wajahan Eratariya laguna sheegay ina lagu qabanayo magaalada dekedda ee Cassab.

Dhanka Jabhadda Oramada oo RW Abiye Axmed uusan weli xal u helin ayuu dhawaan waxa uu guurtada Oromada ee loo yaqaan ‘Gadaa’ ku amray in ay soo xereeyaan jabhadda oo u soo gacan galiyaan. Sida uu mar dhawayd sheegay Jawar Mohammed
oo ah siyaasi Orom ah, ahna mucaarad Abiye Axmed, waxa uu Abiye Axmed laba asbuuc kahor xiray 14 oday dhaqameedka Oromada kaddib markii ay ku guuldareysteen in ay jabhadda Oromada u soo xereeyaan Abiye Axmed. Jawar Maxamed waxa uu sheegay in aan hadda la ogayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyo meel lagu hayo odayaasha iyo xataa in ayba noolyihiin.

Saddex sano kahor waxaa si bareer sirdoonka Abiye ee loo yaqaan ‘Koree Nagegna’ u toogteen 14 oday dhaqameed oo Oromo ah, markii saas oo kale ay ku guuldaraysteen in ay fuliyaan amarka Abiye, una soo gacangaliyaan jabhadda Oromada.

Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee Itoobiya iyo Kacdoonka ka dhanka ah RW Abiye Ahmed Ali.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com