Wararkii ugu danbeeyey ee khasaarihii shalay ee diyaaradaha Ruushka ee nukliyeerka xambaara soo gaaray

Wararkii ugu danbeeyey ee khasaarihii shalay ee diyaaradaha Ruushka ee nukliyeerka xambaara soo gaaray

Wararkii ugu danbeeyey ee khasaarihii shalay ee diyaaradaha Ruushka ee nukliyeerka xambaara ka soo gaaray weerarkii darooniska ee Ukraine

Warbixinta nooca Ty-95:
> 3 Diyaaradood oo Ty-95 waa la burburiyey
> 5 Diyaaradood oo Ty-95 waxaa soo gaaray khasaare kooban
> Waxaa diyaar ah 42 diyaaradood oo nooca TU-95

Warbixinta nooca Ty-41
> 4 Diyaaradood oo nooca Ty-22 waxaa soo gaaray khasaare kooban
> Waxaa diyaar ah 41 diyaaradood oo nooca TU-41

Wax khasaare ah ma soo gaarin 22 diyaaradood oo nooca Ty-160.

Haddii aad isweydiinayso sababta aysan diyaarado noocaas ah oo ‘strategic’ ah aysan god ugu jirin oo aan loo qarin, waxaa jira heshiis nukliyeerka oo u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka loona yaqaan START TREATY, kaas oo qoraya in diyaaradaha xambaara gantaalada nukliyeerka ay garoonka ka muuqdaan si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqooda.

Adduunku maanta waxa uu galay xaalad la kala aamin baxay, reer galbeedkuna aysan innaba ixtiraamayn heshiisyada caalamka iyo kuwa xuquuqul insaanka toona, sida maanta aad ka daalacaneyso Ruushka (https://www.facebook.com/share/p/1BpcJYaLJb/), Qasa, daanta Galbeed, iyo Yaman. Saas oo xaalka caalamku maanta yahay, hoggaamiyayaasha Soomaalidu cashar ma ka baran karaan meesha xaal adduun marayo, mise joojin doonaan dalal aan dan ka lahayn oo kaliya dantooda fulinaya in ay ugu yeeraan “walaalahayaga na garabtaagan!” Ma garan doonaan in aysan jirin wax la yiraahdo nabad-ilaalin iyo dawlad dhis toona? Dadkooda iyo dalkooda ma ka dooran doonaan dan dal shisheeye?

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com