Wararkii ugu Danbeeyey ee Shabeelaha Hoose & Ciidamada Dawladda oo lagala Wareegay Saddex Buundo oo Muhiim u ah Ammaanka Xamar

Wararkii ugu Danbeeyey ee Shabeelaha Hoose & Ciidamada Dawladda oo lagala Wareegay Saddex Buundo oo Muhiim u ah Ammaanka Xamar

Al-Shabaab ay isku sii ballaarinaysa Shabeelaha Hoose, siiba deegaanada muhiimka ee Awdheegle, Bariire, Sabiib iyo Jannaale. Dhammaan deegaanadaas waxaa ku yaal afar buundo oo muhiim u ah ammaanka magaalada Muqdisho.

Weeraro qorsheysan oo Al-Shabaab ay deegaanadaas ka wadday waxay shalay illaa iyo saaka kula wareegtay saddex ka mid ah afarta buundo ee ugu muhiimsan gobolka Shabeellaha Hoose, kala ahna:

1. Buundada Awdheegle
2. Buundada Bariire
3. Buundada Caanoole

Halka buundo ee weli ku harsan gacanta dawladda waa Buundada Jannaale.

Gaadiidka al-Shabaab ee qaraxyada laga soo buuxiyo ee Xamar loogu talagalay ayaa buundooyinkaas hore uga soo gudbi jiray, sidii dawladdu ula wareegtana waxaa yaraaday qaraxyada Xamar lala beegto. Khubarada ammaanka Xamar ayaa sheegay in haddii gacan ku haynta buundooyinkaas aan Al-Shabaab lagala wareegin ay saameyn daran oo nabadgalyo xumo ku yeelan karaan ammaanka caasimadda iyo deegaanada ka agdhow.

Dhanka Aadan Yabaal, saacado kahor Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay la wareegeen deegaanka Guulane oo ka agdhow degmada Aadan Yabaal oo ah degmadii Madaxweyne Xasan Shiikh hadda ka soo laabtay.

Waxaa isa soo taraya digniino ka kala imaanaya dalal shisheeye, khubarada ammaanka iyo waliba mucaaradka oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa khataraha soofooleh. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa isna maalmaha soo socda la filayaa in uu la hadlo shacabka Soomaaliyeed, warbixino ka siiyo halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada al-Shabaab.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com