Wararka ku soo dhacaya Istuudiyaha Daljir ee magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in roobab siweyn loogu diirsaday ay xalay gelinkii dambe iyo saaka ka de’een deegaamo hoosyimaada Burtinle iyo Xarfo.
Deegaamada roobsaday ayaa waxaa kamid ah degmada Burtinle, Tuulada Jalam, Tuulada Magacley, Tuulada Cariska oo katirsan Cagaare, waxaana goob jooge ku sugan tuladaas ayaa sheegaya in xaalada tuuladaas iyo Hareeraheeda ay yihiin kuwo khatar ku sugan maadaama togga biyo buux dhaafiyeen.
Dhanka kalena waxaa roobsaday Degmada xarfo & deegaamada hoos yimaada, Bacaad-weyn, Ceel-Berrdaale Gacana-fale ilaa Godad oo katirsan gobolka Mudug.
Nabadoon Cabdullaahi Cabdulle, oo ku sugan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa arrimahaasi uga warbixiyey weriye Xasan Haykal oo ku sugan Daljir Boosaaso.
DHEGAYSO
FAALLOOYIN & FALCELIN
asc daljir mnsha alh raxmadii ilahy baaa ka curaty dhulka oo dhan ilahy baaa na nagasary abarti iyo kuleyki alxm ilahybaa mahada izka leh