Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maant kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Oglan Bakar. Kulanka ayaa lagu lafaguray arimo ay ka mid yihiin adkaynta xidhiidhka labada dhinac, abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, tababaro ciidan iyo ballanqaadyo dhawr ah oo ay Dawladda Turkigu damacsan tahay in ay Puntland ka fuliso.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa warbixin ka siiyey Danjiraha waddanka Turkiga Mr. Oglan abaarta baaxadda leh ee ka jirta Puntland waxa uuna sheegay Madaxweyne Gaas in ay Puntland ka jirto xaalad adag oo ay sababtay abaartu.
Ambassador Oglan Bakar ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin adkaynta iyo sii anbaqaadida xidhiidhka labada dhinac, isla markaana waxa uu ballanqaaday in ay dawladda Turkigu diyaar u tahay in ay dhawaan ka bilaabaan mashaaricyo horumarineed deegaanada Puntland, kuwaas oo salka ku haya kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Waxaa waraystay Jamaal Faarax Adan oo ku sugan xarunta Daljir Gaalkacyo.
Hoos ka dhegayso
COMMENTS