Warbaahinta Daljir oo heshiis la gashay Maamulka Shabakadda Warbaahinta ee Isbahaysi (Sawirro)

Warbaahinta Daljir oo heshiis la gashay Maamulka Shabakadda Warbaahinta ee Isbahaysi (Sawirro)

Xarunta dhexe ee Daljir ee magaalada Garoowe, waxaa heshiis Is-afgarad ku kala saxiixday maamulka Warbaahinta Daljir Soomaaliya iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta ee Isbahaysi oo ah warbaahin cusub oo dhowaan ay aasaaseen Xirfadlayaal warbaahineed oo khuburo ah.

Heshiiskan Is-afgarad oo dhinacyo badan leh, ayaa ogolaanaya iskaashi labada dhinac dhexmara, oo ah dhinacyada Xog is dhaafsiga, soosaarista barnaamijyo wadaag ah, khibrad wadaaga, iyo in wadajir loo wajaho kor u qaadista xoriyada hadalka ee Soomaaliya, Islamarkaana laga wada shaqeeyo toosinta maamulka Dawliga ah ee dalka iyadoo la ciyaarayo doorka warbaahinta ee la xisaabtanka Madaxda iyo wargelinta shacabka.

Agaasimaha guud ee warbaahinta Daljir Khadar Cawl Ismaaciil iyo Agaasinka maamulka iyo aasaasaha shacabakada warbaahinta Isbahaysi Maxamed Axmed Ilkacase, ayaa si rasmi ah u kala saxiixday nuqulka heshiiskan Is-afgrad oo labada dhinac u arkaan inuu horseedayo guulo wadajir ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com