Asbuucaan waxaa warbaahinta adduunka qabsaday warar ay qoreen wargeysyada caanka ah ee Jarmalka Die Welt iyo kuwa Mareykanka ee kala ah Politico iyo CNN. Wargaysyadaas waxay qoreen in Shiinuhu diyaar u yahay in uu qayb ka noqdo qorshaha Yurub ee nabad-ilaalinta Ukraine oo ay hormuud u yihiin Ingiriiska iyo Faransiiska.
Afhayeen maanta u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa warkaas ku tilmaamay “waxba-kama-jiraan.”
EU, China, and the Drama of Ukraine: Peacekeeping or Performance?
For the European Union, Ukraine has become a “political theater,” with international players orchestrating their roles. According to The Telegraph, the British military has labeled the British-French peacekeeping… https://t.co/aqjjz7SpVf
— Daljir Media (@radiodaljir) March 24, 2025
Qorshaha reer Galbeedka ayaa ah in Ruushka iyo Shiinaha oo hadda ah saaxiibo dhow ay sii kala fogeeyaan, dabadeedna midba mar mindida saaraan. Qorshahaas ayaa in dhawaalaba faashil ahaa in kasta oo hadda Trump uu rabo in uu soo nooleeyo asaga oo soo dhaweysanaya Putin iyo Ruushka. Putin oo aan moogeyn qorshaha Mareykanka ayaa maalin kahor Moscow kula kulmay ganacsatada iyo shirkadaha Ruushka, kuna wargaliyey in aysan jirin wax isu-soo-dhawaansho ah dhanka reer Galbeedka, ayna isku diyaariyaan cunoqabateyn iyo dagaal joogto ah oo nooc walba leh.
Haddii shalay la dhihi jiray warkaas jaraa’id B iyo wargeys T oo Galbeedka laga leeyahay baa qoray, waana war dhab ah, maanta dunidu waa ay ku wada baraarugtay in wargeysyada reer Galbeedka ay yihiin qayb qorshaha dawladahooda oo fuliya danaha fog iyo kuwa dhow ee reer Galbeedka.
Adigu weli ma rumeysantahay wararka reer Galbeedka, siiba kuwa ay ka qoraan Soomaaliya iyo Afrika oo dhan?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS