Warbixin Hawlgalka Hillaac ee Ciribtirka Argagixisada Calmiskaad

Warbixin Hawlgalka Hillaac ee Ciribtirka Argagixisada Calmiskaad

Waxaa gagabo maanta maraya Hawgalka Hillaac, wajiigiisii labaad oo ahaa in argagixisada laga nadiifiyo Buuraha Calmiskaad. Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegayaa in labadii saldhig ee ugu danbeeyey ee khawaariijta ISIS ee kala ahaa Dhadar iyo Dhasaan, ahna halka Togga Jeceel ku dhamaado ay ka carareen labadii saldhig ee ugu danbeeyey, haddana ay saldhigyadu ku jiraan gacanta Ciidamada Difaaca Puntland.

Firxadka ISIS iyo waliba xaasaskooda ayaa la sheegay in ay u carareen buuraha sare iyo waliba dhabka Qandala. Warar ka soo baxaya Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Korneel Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegaya in maanta Buuraha dhanka Bossaso ay ka heleen rag lagu qiyaasay 15 nin oo firxad ah iyo dameerohooda, waxaana laga dilay 5 kamid ah, halka intii kale u carareen Buuraha Miiraale.

Sida la filayo, markii la nadiifiyo firxadka ISIS waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo wajiga saddexaad ee ciribtirka argagixisada, loona jihaysto buuuraha dhanka Calmadow (kala baro buuraha Bari iyo Sanaag oo riix linkigaan https://www.facebook.com/share/p/16A1CauqqQ/).

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com