Wareegga labaad Wadahadalada Soomaaliya & Itoobiya oo ka furmaya dalka Turkiga

Wareegga labaad Wadahadalada Soomaaliya & Itoobiya oo ka furmaya dalka Turkiga

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Xuluumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa gaaray dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya.

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo berry oo Taariikgdy ay tahay 12 August, 2024, oo lagu dhex dheexaadinayo Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulamadan ayaa looga hadlayaa Sidii meesha looga saari lahaa heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland .

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga iyo Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah yeeshay oo ay uga wada hadleen xariirkaSoomalaiya Iyo Itoobiya siidii xalka looga gaari kato Kiiska u khilaadka u dheceya labada dal.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Itoobiya ayaa aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficilo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Hase ‘ahaatee haddii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka heshiiyaan khilaafka ka dhexeya ayaa meesha waxa ka baxaya Heshiiskii badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com