Sidaan maqaalkeenii shalay ku baahinay, Maraykanka waxaa haysta xaalado adag oo dhaqaale iyo kuwo milateri. Dagaalka Yemen ayaa kow ka ah khasaaraha milateri ee maanta haysta Maraykanka, una keenay labo marxaladood oo kala daran.
Waa marka koowaad e, sida uu maanta qoray wargeyska New York Times ayaga oo warar hoose ka helaya saraakiisha ciidamada, Mareykanka waxa uu ku guuldareystay in uu burburiyo hubka iyo saldhigyada buuraha hoostooda ee Xu^tiyiintu, waxa kaliya oo la duqeeyey illaa haddana ay yihiin guryo shacab, isbitaalo, iyo xeryo ciidan oo Sucuudiga iyo Imaaraadku hore u burburiyeen.
Guuldarada labaad oo Mareykanka haysata haddana walaac weyn ku abuurtay ciidamada iyo baarlamaanka Mareykanka waa hubkii cuslaa, nooca loo yaqaan gantaalada culus ee toos loola beegto goobo cayiman (precision weapons), oo badi loogu talagalay aagga Basifigga iyo dagaalka Shiinaha waxaa lagu khasaariyey duqeymaha Yaman oo hadda waaba idlaan rabaan, inta hartayna sidii loo isticmaali lahaa waxaa ka aloosan muran weyn oo u dhexeeya saraakiisha ciidamada iyo siyaasiyiinta. Waxaa kale oo ka sii daran in hub kaas ka sii badan loo daadgureeyey Israa’iil iyo Ukraine si mid walbaa uusan ayana hubku uga kala go’in.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in muddo saddex asbuuc oo kaliya ah Mareykanku uu Yaman ku garaacay gantaalo qaali ah oo qiimahoodu kor u dhaafayo $200 milyan USD, illaa iyo haddana aysan jirin wax laga dheefay. Asbuuca danbe marka kharashaadka Yemen oo dhan la isku daro, Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanku waxay sheegtay in kharashka Yaman uu $1 bilyan USD kor u dhaafi doono, ayna u baahan doonaan miisaaniyad horleh.
Maraykanka oo awal ku haminayey in dhaqdhaqaaqa ciidan ee Yaman uu wiiqmi doono, hadda wax dheef ah warkeeda daa e waxaa sii xoogeysanaya, ayey saraakiisha Mareykanku yiraahdeen, gantaalada iyo darooniska ay Yaman la beeganeyso markaakiibta Mareykanka. Taas oo keentay in markabka diyaarad-qaadaha ee USS Truman uu u cararo waqooyiga Badda Cas masaafo ka badan 1,000 KM, uuna hadda joogo aagga Jidda ee dalka Sucuudiga.
Walaaca ugu weyn ee Mareykanka hadda haysta ayaa lagu sheegay in uu yahay dhanka Badda Basifigga iyo wixii laga yeeli lahaa haddii Shiinuhu sii wado qorshihiisa dib-u-qabsashada jasiiradda Taiwan.
Mareykanka iyo Trump oo asbuucyadaan u booloxoofteynayey Iran baad waxaad mooddaa in uu waa cusub ku baryey, oo bal Iran haba danbeysee ay isweydiinayaa, Yaman maxaan ka yeelnaa.
Yaman ayaa xiratay Badda Cas, sheegtayna in qufulku saarnaan doono Badda Cas tan iyo inta Is^raa’iil ay duqeynta Gaza ka joojineyso, qaadeysana go’doominta shacabka reer Gaza oo hadda macaluul qarka u saaran.
> Daljir Media
COMMENTS