Wargeyska New York Times oo Sheegay in Saraakiil Arrimaha Dibadda Mareykanku soo Jeediyeen in la Xiro Safaaraddooda Xamar Baqdin laga Qabo Argagixisada oo Magaalada la Wareegta
Sida aan ka soo xiganay wargeyka caanka ah ee New York Times, magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in AS ay la wareegto, ayaga oo ciidamo xooggan soo galiyey gudaha magaalada, badi bannaanka magaaladana gacanta ku dhigay (https://www.nytimes.com/2025/04/10/us/politics/us-embassy-somalia-future-trump.html).
Wargeyska ayaa sheegay in xukuumadda Trump ay hadda ka dhex aloosantahay dood qayb saraakiisha arrimaha dibaddu ay leeyihiin aan sii joogno oo yaynaan sidii Afqanistaan u ceeboobin. Qaybtaan waxaa hormuud u ah Sebastian Gorka, Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Argagixisada, waxa uuna rumeysanyahay in lala dagaalo argagixisada. Qaybta kale ayaa ah, sida uu The New York Time qoray, kuwo ka daalay dagaalada aan dhammaadka lahayn ee Mareykanka oo waxay aaminsanyihiin in laga baxo Soomaaliya, safaaradana la xiro, inta aysan AS magaalada ku dul qabsan.
Shir ay asbuucii hore yeesheen laba qolo ee isku dhex hardineysa siyaasadda Soomaaliya ayaan wax natiijo ah oo la isla gartay weli ka soo bixin. Maureen Farrell oo ah gabar ka tirsanaan jirtay gaashaandhigga Mareykanka ayaa keentay dood ah in dagaal uusan xal ahayn oo heshiis lala galo qolyaha ugu macquulsan argagixisada. Waxay intaas ku dartay, “Haddii aan meesha heshiis ka soo socon waa in aan isaga baxnaa.”
Sida uu wargeysku qorayo asbuucyadii la soo dhaafay AS ayaa tartiib tartiib-tartiib ugu soo dhawaaneysa Xamar, Mareykankuna waxa uu hadda qabanqaabinayaa sidii uu ciidamadiisa iyo dibloomaasiyiinta dhakhso ugala bixi lahaa, meeshii hal mar inta qalalaase dhaco looga feejignaado wixii Kabul ka dhacay oo kale.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Wargeysku ku sheegay nin hadda bilaa taageero ah oo hore u dhumiyey maamul goboleedyada, haatanna aan haysan xataa taagerada qabiilkiisa.
Mareykanka ayaa hadda isweydiinaya muxuu noqon karaa xaalka Soomaaliya haddii AS la wareegto Xamar, sida muuqatana su’aalaha maanta Mareykanku isweydiinayo waa kuwo lamid ah kuwii Kabul, Afqanistaan ee Agoosto 2021.
Wararka Daljir ay ka helayso magaalada Xamar ayaa sheegaya baqdin xooggan oo magaalada ka jirta darteed ay badi ganacsatadii, siyaasiyiintii iyo xildhibaanadii u wada guureen Nairobi.
> Daljir Media
COMMENTS