Agaasimaha Daljir Garoowe, ahna kuxigeenka tifaftiraha Daljir Khadar Awl iyo wariye Candiqani Fantastic ayaa lagu xiray goordhowayd saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe.
Xarigan ayaa dhacay xilli ay doonayeen inay maxkamadda jawaab ka bixiso ehalada marxuumad Hodan Shanlaysto oo shalay maxkamadda Garoowe ku dhaliilay caddaalad darro, Hodan ayaa ahayd marxuumad horay dil iyo kufsi loogu gaystay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa ku amray ciidamada inay xabsiga dhigaan wariye Khadar Cawl iyo Cabdiqani Fantastic oo arrimaha shaqo u tagay maxkamadda iyo jawaab inay ka bixiyaan eedaha loo jeediyay maxkamadda Degmada Garoowe.
Wixii ku soo kordha kala soco daljir
COMMENTS