Wariye Ibraahim Mayow oo aan Weli Warkiisa la Hayn iyo Meel lagu Haysto iyo Weerarada al-Shabaab ee Daafaha Xamar oo sii Kordhiya

Wariye Ibraahim Mayow oo aan Weli Warkiisa la Hayn iyo Meel lagu Haysto iyo Weerarada al-Shabaab ee Daafaha Xamar oo sii Kordhiya

Kaddib markii shalay al-Shabaab ay hoobiyayaal ku garaacday magaalada Afgooye oo qiyaastii 30 KM u jirta Xamar, waxaa isla magaalada Afgooye laga afduubtay wariye Maxamed Ibraahim Mayoow. Afduubka ayaa la sheegay in ay gaysteen ilaalada Taliyaha Booliiska Muqdisho Macallin Mahdi. Taliye Macallin Mahdi ayaa horay uga tirsanaan jiray dilayaasha Al-shabaab, bal se sheegay in uu ka soo goostay, kuna soo biiray dawladda fadaraalka, kaddibna waxaa loo dalacsiiyay Taliyaha Booliiska Muqdisho.

Saaxibada wariye Mayoow ayaa warbaahinta u sheegay in loo qaaday dhanka Muqdisho, lama se sheegin meel lagu hayo iyo sababta.

Saraakiisha Booliska Degmada Afgooye oo la weydiiyey sababta loo qafaashay wariye Mayoow ayaa ku jawaabay in aanay waxba kala socon kiiskaas.

Al-Shabaab ayaa asbuucyadaan weeraro iyo jidgooyooyin ku haysa daafaha magaalada Muqdisho, taas oo welwel weyn ku abuurtay Xalane, kalliftayna in Turkiga iyo Mareykanku duqeymo daran la beegsadaan al-Shabaab. Waxaa jira welwelo isa soo taraya in al-Shabaab ay ciidamo soo galisay gudaha magaalada Xamar, una diyaargaroobayso weeraro horleh.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com