WARQAD FURAN: “MA YEELAYNO IN HOGGAANKA KUUMADE GACANTOODA LAGU BURBURIYO AMA QALALAASE LOOGA ABUURO PUNTLAND,” DANJIRE IDD BEDEL

WARQAD FURAN: “MA YEELAYNO IN HOGGAANKA KUUMADE GACANTOODA LAGU BURBURIYO AMA QALALAASE LOOGA ABUURO PUNTLAND,” DANJIRE IDD BEDEL

Mudane RW Xamse Cabdi Barre, waxaan ku xusuusinayaa in aad tahay hoggaamiye Soomaaliyeed, hayana darajada ugu sarreysa Beesha Daarood. Taas micnaheeda waa in aad tahay Hoggaamiye Daarood oo ka soojeeda Puntland iyo Jubaland.

RW Xamse, labo sano waxaan si mug leh u difaacayey xukuumadda aad hoggaamiso, waxaana kaala saftay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ahaa saaxiibkay, haddana wali ah saaxiib dhow, dib ayeyna dadkiisu u soo doorteen.

Taasi waa shalay, tanna waa maanta. RW Xamse, waxa la qorshaynayaa in Puntland laga burburiyo Muqdishu, waxaana la qorshaynayaa sidii qalaaso iyo xasillooni darro looga abuuri lahaa gayigaas Puntland oo aad hoggaamiye u tahay ku matala siyaasadda Soomaaliya.

Arrimahaas taagan dartood waa muhiim in siyaasigu uu mowqif cad ka yeesho.

Haddaba aniga oo ah Danjire Idd Bedel Maxamed, kana mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Kuumade, waxaan caddeynayaa in aan ka soohorjeedo in Muqdishu laga soo abaabulo qorshe sidii qalaaso looga abuuri lahaa Puntland, oo Madaxweyne Deni xukunka looga tuuri lahaa. Deni waa Madaxweyne dadkiisu ay soo doorteen, aad u hambalyeysay, caleemasaarkiisana uu ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

RW Xamse, haddaad tahay Hoggaamiyaha Daarood, masuuliyad gaar ah baa kaa saaran in qalalaase siyaasadeed iyo mid amni-xumo marnaba uusan abuurin masuul ka tirsan Dawladda Federaalka, ha ahaadeen Wasiiro, Kuxigeeno, Xildhibaano iyo Senataro.

Farqiga Puntland vs South West

Haddii RW Xamse iyo Madaxweyne Xasan Shiikh aad ka hortimaadeen in siyaasiyiin South West ah ay Mogadishu ka bilaabaan qalalaaso siyaasadeed oo kadhan ah Baydhabo; haddii aad taas diideen, sidee ku oggolaan kartaan in Puntland lala beegto xasilooni darro laga soo abaabulo Muqdishu? Puntland maxay kaga duwantahay South West?

Siyaasiyiinta Beesha Kuumade haddaan nahay arrinkaas waa noo KHAD GADUUDAN (RED LINE) oo aan la dhaafi karin. Inta Kuumade hayo Hoggaanka Beesha Daarood iyo tan Federaalka, marnaba ma yeelayno in hoggaanka Kuumade gacantooda lagu burburiyo ama qalaaso iyo xasilooni-darro looga abuuro Puntland.

RW Xamse Cabdi Barre, yeyna taariikh-xumo ku raacin adoo RW dalka ah. Yeyna masuuliyiin aad madax u tahay oo xukuumaddaada ka tirsan ka shaqayn in qalalaaso iyo xasillooni-darro ay ka abuuraan Puntland.

WQ: Danjire Idd Bedel Maxamed | Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay

DHAMMAAD

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com